Search the Web
Bogga Hore

Warbaahinta Islaamka Mujaahidiinta Soomaaliyeed شبكة الاسلا م جند الله لاتحزن ان الله معنا

Is dullaynta Soomaalida ma jaahilnimaa mise

February 6, 2008

Akhristaha sharafta leh waxaan wax yar kuu iftiimin siyaasada itobiya ay Soomaaliya ka fulisay iyo meesha hadeer la jooggo: Itobiya waxay dagaal milateri ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida ee ay u adeegsatay hogaamiya kooxeedyo is hor istaagay dadaalka siyaasiyiinta, sida dadaaladii dowladii carte iyo wixii ka horeeyay. Waxay itobiya aaqirkii qaaday dagaal kale oo ay siyaasiga rasmiga ah kaga saartay masraxa siyaasada, waxayna ku guulaysatay in booskooda ku buuxiso hogaamiye kooxeed.

Shirkii Kenya waxaa la arkay hogaamiye kooxeedyo isku magacaabay siyaasi ee siyaasada kula loolamaya siyaasiga rasmiga ah. Itobiya waxay durbadiiba garatay siyaasi kooxeedka inay la tartami karin siyaasiga rasmiga ah, hadaba itobiya waxay la timid qorsho lagu garabsiin siyaasi kooxeedka ee markaa lagu bara bixin siyaasiga rasmiga. Qaabkan waxay u xilsaartay siyaasi kooxeed ee durbadiiba ku dhaqaaqay fulinteeda, waxay isla markiiba goobta shirka ka sheegeen in Soomaaliya loodhiso baarlamaan ka kooban qaab 4.5 iyo in hogaamiyo dhaqameed uu ansaxiyo ka mid noqoshada Baarlamaanka la dhisayo.

Arinta hadal kuma hakan durbadiiba siyaasi kooxeedku waxay Soomaaliya ka soo dhoofiyeen ee ay goobta shirka la yimaadeen hogaamiye dhaqameedyo diyaar la ah inay siyaasi kooxeedka u saxiixaan ka mid noqoshada Baarlamaanka. Qaabkan waa kii Siyaasi kooxeedyada looga dhigay xubin baarlamaan ee aaqirka baarlamaanka uu ku noqday baarlamaan kooxeed. Hogaamiye dhaqan sida magaca ku cad waa "hogaamiye dhaqan" laakiin loo adeegsaday danaha itobiya. Hogaamiye dhaqan wuxuu aaminay inuu yahay bixiye jago siyaasad manahayo cadeyn sheegi siduu ku noqday iyo sharuudaha uu ku saxiixay jagada xubin ka noqoshada baarlamaanka.

 Hadaba waxaa bilaabatay fadeexadii Soomaaliya ay isku dulaysay. Siyaasi kooxeedyada intii ay fadhiyeen Jowhar dunida inteeda kale way diidanaayeen inay citiqaadaan siyaasi kooxeed kuna magacaabaan dowlad, iwm. Siyaasadii itobiya waxay guulaysatay kadib markii Soomaalida nafteeda ay siyaasi kooxeedyada ku magacaabeen dowlad. Kadib itobiya dunida ayeey tustay in Soomaalida nafteeda ay aamintay inay siyaasi kooxeedku yihiin dowlad, markaa wixii ka dan beeyay baydhabo ayeey u soo guurtay dunidana way citiqaaday.

Fadeexadan way socon ilaa inta siyaasi kooxeedka lagu tilmaamayo dowlad iwm. Hadaba qaybaha shacabka waxaan kula talin inay ka fiirsadaan cidda ay dowlad ku magaccabi, hadaba mucaarad iyo siyaasi ka waan tooba inaad siyaasi kooxeed ku magacawdaan dowlad iwm. Siyaasiga Soomaaliga waxaan u sheegi in itobiya ay bahdishay ee ay ka hor istaagtay hogaaminta shacabkiisa.

 INSHA ALLAAH QAYR

QORE: Cabdulkhadir Maxamad (Abadir)

Nabad iyo Caano

WABILLAAHI TOWFIIQ


Add Comment

Add Comment

Your Name: (Required)
Comment:

Please enter the 4 to 6 character security code:

(This is to prevent automated comments.)