Dagaalkaan Oo ah Mid aad U Culus La Iskuna Adeegsanayo Hubka Noocyadiisa Kala Duwan Kaasoo U Dhaxeeya Mujaahidiinta Soomaaliyeed Iyo Mooryaanta Dabadhilifyada Tigreega Dagaalkaan ayaa Yimid Ka Dib Markii ay Weerar Ku Qaadeen Mujaahidiinta Soomaaliyeed Saldhiga Degmada Hodan Oo Shacab aan Waxba Galabsan ay Isaga Xiranyihiin Balse Lacago Baad ah Looga Qaato Mujaahidiinta ayaa U Dulqaadan Waaye Mooryaanta Dabadhilifyada Waxyaabaha ay Ku Kacaan.
Dagaalka ayaa Walia Soconaya Sida ay Xaqiijiyeen Dadka Fara Kutiriska Ee Deegaanadaasi Ku Haray Oo Mooryaanta Dabadhilifyada Tigreega ay Hore U Barakiciyeen.
Waxaana Si Weyn Looga Maqlayaa Qeybo Kamid ah Degmada Hodon Daryanka Rasaasta La Isku Adegsanayo.
Warar Hor Dhac ah Oo Halkaasi Laga Helay ayaa Sheegay In Mujaahdiinta ay Gacanta Ku Dhigeen Saldhiga Degmaga Hodan Gaari Dagaalna Looga Qabsaday Mooryaanta Isla Markaana Xabsiyada Ka Sii Daayeen Shacabkii Xaq Darada Ku Xirnaa Isla Mar Ahaantaana Mooryaantii Ku Sugnayd ay Kala Firdhismeen.
Dagaalka ayaa Waxa Uu Saameen Ku Yeeshay Deegaano Ka Baxsan Goobaha Lagu Dirirayo Waxaana La Sheegay In Madaafiic ay Mooryaanta Dabadhilifyada Soo Rideen Habow ah Uu Ku Habsaday Degmaada Waabari Guri Ku Yaala Waxaana Ku Dhawactay Haweeneey Ku Sugneed Guriga Uu Madfaca Ku Habsaday.
Add Comment