Search the Web
Bogga Hore

Warbaahinta Islaamka Mujaahidiinta Soomaaliyeed شبكة الاسلا م جند الله لاتحزن ان الله معنا

Mooryaanta Argagaxisada Kufaarta Itoobiya:Madaafiic ay Soo Rideen Oo 3 Caruur Isku Qoys ah Ku Habsaday Magaalada Muqdisho

February 7, 2008


Mooryaanta Argagaxisada Kufaarta Itoobiya ayaa Xalay Madaafiic aan Loo Meel Dayin Ku Garaaceen Xaafado Ka Mid ah Magaalada Muqdisho Xaafadahaas Oo ay Ka Mid Yihiin Raadaarka Ee Degmada Daynile Kuna Habsaday Qoys Degnaa Deegaankaas.

Madfacan ayaa Sababay Inay Ku Shahiidaan 3 Caruur Oo Isku Qoys ah Sida Uu Warbaahiinta U Sheegay Aabaha Caruurtaasi Dhalay Oo Lagu Magacaabo C/qaadir Nuur Dohoow Oo Xiligaasi ay Ka Muuqatay Murugo aad U Daran, Isbadalna Ku Abuurtay Dadweynihii Deegaanka.

Caruurta Shahiiday ayaa Waxaa Ku Jiray Gabar Reerkaasi U Ahayd Curad Isla Markaana ay Shoog Uu Ku Dhacay Hooyadii Dhashay Caruurtaasi Oo Uu Sheegay C/qaadir In ay Ku Dhag Dhagayso Caruuro aysan Dhalin Iyada Oo U Malaysa Caruurteedii.

Geerida 3 Caruur Ee Uu Dhalay C/qaadir Nuur ayaa Waxaa U Dheer Dhaawaca Gabar Kale Oo Iyadana La Sheegay In Uu Firir Ka Galay Caloosha Isla Markaana ay Calooshu Barartay.

Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timaaday C/qaadir Nuur ayaa Dhamaan Shacabka Reer Muqdisho ay Ka Muujiyeen Murugo La Mid ah Mid Qoyskaasi ay Qabaan Isla Markaana Walwal Iyo Walaac Ka Muujiyay Madaafiicda Arxan Darada ah Ee ay Mooryaanta Argagaxisada Kufaarta Itoobiya Ku Garaacayaa Xaafadaha Muqdisho.

Mid Ka Mid ah Dadka Deegaanka Deyniile ayaa Sheegay In Markii Uu Madfaca Ku Soo Dhacayay Xaafadaasi aysan Jirin Wax Dagaal ah Oo Xiligaasi Ka Socday Magaalada Muqdisho.

Horey ayuu Madfac ay Soo Rideen Mooryaanta Argagaxisada Kufaarta Itoobiya Uu Ku Habsaday Hal Qoys Oo Ka Koobnaa 8 Qof Oo Dhamaantood ay Halkaasi Ku Wada Shahiideen Marka Laga Reebo Aabihii Qoyskaasi Oo Xiligaa Dukaamaysi Ku Maqnaa.

Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ay U Geysanayaan Mooryaanta Argagaxisada Kufaarta Itoobiya ayaa ah Mid Maalinba Maalinta Ka Danbeysa Sii Badanaya Isla Makaana aysan Jirin Cid Ka Hadlaysa Mujaahidiinta Soomaaliyeed Mooyaan Oo U Taagan Difaacida Diinta Dadka Iyo Dalka,Kuwa Isku Sheegay Xuquuqul Insaanka Inay Ilaaliyaan aysan Waligoodaba Ka Hadlin Xasuuqa Ka Socda Dalka Soomaaliya Inay Sii Huriyaan Mooyaan Dhaqaalona Ku Bixiyaan Mooyaan Maalin ayaa jiri Doonta ay Mujaahidiinta La Xisaabtami Doonaan Insha'Allaah Nasrigana Waa Dhawyahay


Add Comment

Add Comment

Your Name: (Required)
Comment:

Please enter the 4 to 6 character security code:

(This is to prevent automated comments.)