Wadada Howl-Wadaag Ee Sida Tooska ah U Soo Gasha Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Muhiimna U ah Shacabka Soomaaliyeed Ee Dan Yarta ayaa Maalintii 5aad ay U Xirantahay Mooryaanta Dabadhilifyada Tigreega Itoobiya Isla Markaana Maalintii 2aad Baaritaan Barbar Socda Boob Ka Wada Xaafada Howlwadaag Ee Magaalada Muqdisho.
Isu Socodka Gaadiidka Iyo Dadweynaha ayaa Gab Ahaanba La Joojyay,Shacabka ayaa Cabasho Xoogani Ka Muujiyay Xiritaanka Wadadan Maalintii 5aad Isla Markaana ay Yihiin Gaadiidka BLka ah Kuwo Dhac Kala Kulma Mooryaantaasi Marka ay Qaadayaan Wadooyinka Qardo Jeexa Ee Dhax Mara Xaafadaha Dhaxdooda.
Sidoo Kale Waxaa Gabi Ahaanba Wali Xiran Maalintii 5aad Goobaha Ganacsiga Ee Wadooyinkaasi Ku Yaala Iyada Oo ay Dadka Deegaankuna Ku Soo Waramayaan In Mooryaanta Ku Sugan Isgoyska Aadan Cadde Iyo Howlwadaag ay Baaritaano Iyo Dhacba Ka Wadaan Maalintii 2aad Xaafada Howlwadaag Iyaga Oo Guri Guri U Baaraya Isla Markaana Sheegaya In ay Baarayaan Hub Iyo Waxyaabaha Qaraxa Intaba.
Gudiga Ganacsatada Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Iyo Dabadhilifyada Wax War ah Wali Ka Soo Saarin Xirnaanshaha Wadadani Halbowlaha U ah Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Iyo Dadka Dan Yarta Ee Suuqaasi.
Tan Iyo Intii ay Mooryaanta Argagaxisada Kufaarta Itoobiya Wadanka Xooga Ku Qabsadeen Gudaha Caasimada Soomaaliya Muqdisho ayaa Waxaa Suuqa Weyn Ee Bakaaraha La Soo Gudboonaaday Tacadiyo Kala Duwan Oo Isugu Jira Go’doomin.Duqeyn.dhac Iyo Waliba Gubid Intaba.
Add Comment