Dabadhilif Ka Mid ah Dabadhilifyada Tigreega ayaa Toogasho Lagu Dilay Xalay Fiidkii Wuxuuna U Qaabilsanaa Gudoomiyaha Laanta 26 June Ee Hanti Wadaag Ee Degmada Waabari Oo Lagu Magacaabo Cabdi Fiidoow Caddaan Xili Uu Ku Sugnaa Guri La Daris ah Gurigiisa Sida Uu Xaqiijiyay Murtadka Degmada Waabari Axmed Mire Makraan.
Axmed Mire Makraan ayaa Intaa Ku Daray In ay Falkaasi Geysteen 3 Mujaahidiin ah Oo Ku Hubeysnaa Bastoolado Kuwaas Oo Sadex Xabadood Kaga Dhuftay Madaxa Taasi Oo Sababtay In Goobtii Lagu Toogtay Uu Ku Geeriyoodo.
Axmed Mire Makraan ayaa Sheegay In ay Baxsadeen Mujaahidiintii Fulisay Falkaasi, Isla Markaana aysan Jirin Cid ay U Qabqabteen Dilkaasi Loo Geystay Gudoomiyihii Laanta 26 June Ee Hanti Wadaag Ee Degmada Waabari Cabdi Fiidoow Caddaan.
Arintan ayaa Ku Soo Beegmaysa Iyada Oo Maalmahan Dambe ay Sii Kordhayaan Ugaarsiga Sida Tooska ah Loola Beegsanayo Murtadiinta Dabadhilifyada Tigreega Ee Ku Kala Sugan Qaar Ka Mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, Waxaana Todobaad Ka Hor Lagu Toogtay Magaalada Baladweyn 3 Murtadiin Oo Ugu Qaabilsanaa Dabadhilifyada ah Taliyihii Jawaasiista Ee Ku Magacaabeen Nabadsugida Ee Gobolka Hiiraan, Taliyihii Jawaasiista Magaalada Baladweyne Iyo Waliba Gudoomiyihii Maxkamada Ee aan Shareecada Islaamka Ku Shaqayneen Gobolka Hiiraan.
Add Comment