Mujrim C/laahi Yuusuf ayaa Saaka Aroortii Dhuumaalaysi Ku Yimid Magaalada Muqdisho Ee Uu Xasuuqa Ka Gayste Sheegtana Inuu Umad Dhan Madaxweyne U Yahay Iyadoona aan Horey Loo Sii Shaacin ayaa Saaka Aroortii Hore Ka Soo Dagay Garoonka Caalamiga ah Ee magaalada Muqdisho,Iyada Oo Jidad Fara Badana Saaka Loo Xiray Si Amankiisa Loo Sugo Shacabkana Lagu Gumaado.
Ku Xigeenka Taliyaha Mooryaanta Dabadhilifyada Tigreega Murtad Dhuumaal ayaa Xaqiijiyay In ay Yimaadeen Mujrimiinta Isla Markaana ay Dib U Fureen Dhamaan Wadooyinkii ay Xalay Illaa Saaka Xireen.
Mujrim C/laahi Yuusuf ayaa Waxaa Lagu Qaaday Taangiyada Kufaarta Ugaanda Ee Sharciyaynaya Gumeysiga Itoobiya ay Leeyihiin, Isaga Oo Wax War ah Siin Saxaafada Muqdisho Maadaama Uu Ogyahay Shacabkii UU Xasuuqay Inaysan Waji U Haynin Soo Dhawayna Warkeedaba Daa Uuna Mudanyahay Wajiga In Looga Garacaao Kab.
Isla Markaana Waxaa Xaruunta Gumeysiga Ex Villa Somaliya Ee Deegaanka U ah Mujrim C/llahi Yusuf Ka Deganayahay Mujaahidiinta Soomaaliyeed Ku Garaaceen Madaafiic Hoobiyayaal Waxaana Ilaah Ka Rajaynaynaa In Madaafiicdaas Barakaysan ay Wax Yeelo Badan Ka Soo Gaarto Kufaarta Meesha Isugu Tagte Iyo Mujrimiinta Insha'Allaah.
Xalay ayay ahayd Markii Uu Afahayeenka C/laahi Yuusuf Oo Lagu Magacaabo Xuub sired Uu Sheegay In Magaalada Baydhabo Uu Ka Soo Dagayo C/laahi Balse Uu Ka Soo Degay Muqdisho
Add Comment